USAID Oo Xoogaga Hubeysan Ee Tigray Ku Eedeysay Xatooyo & Bililiqo

Somalia news

Hey’adda Gargaarka qaabilsan ee Mareykanka (USAID) ayaa ku eedeysay Xoogaga Hubeysan Ee Dagaalada ka socda Gobolada Waqooyiga Ethiopia iney bililiqo iyo tuuganimo ku hayaan Bakhaarada keydka Raashinka Gargaarka ee loogu tala gala Dadka Rayidka ah…

Mr.Sean Jones Madaxa USAID ee Ethiopia Ayaa sheegay “iney la socdaan in Xoogaga Hubeysan ee Tigray magaalo kasta oo qabsadaan ay dhac u geystaan Bakhaarada keydka Raashinka Ee Hey’adda leedahay, isagoo intaasi raaciyay iney dhaceen Booyado iyagoo sidoo kale burburiyay tuulooyin dhan, talaabadaan ayuu ku tilmaamay “ mid walaac weyn ku heysa gargaarka bini’aanimada”.

Wuxuu intaasi raaciyay iney hayan caddeymo muujinaaya in bililiqo xoogan loo geystay Bakhaarada ay Hey’adda ku laheyd Gobolka Amxaarada, eedeyntaani Ayaan weli aysan ka jawaabin Xoogaga Hubeysan ee Tigray, iyadoo laga soo bilaabo bishii November Ee sanadkii tagay in Dalka Ethiopia ay ka qarxeen dagaalo sokeeye, iyadoo ay khalkhal geliyeen Nidaamka Dowladeed ee Federaalka Ethiopia.

138320cookie-checkUSAID Oo Xoogaga Hubeysan Ee Tigray Ku Eedeysay Xatooyo & Bililiqo