Hanti-dhowraha Oo Qoraal Ka Soo Saaray Iibinta Hantida Qaranka

Somalia news

Hantidhawrka Guud ee Qaranka oo maalmihii u dambeeyay waday baaris la xiriirta hubinta iyo xaqiijinta arrinta la xiriirtay bixinta qayb ka mid ah dhulka Tiyaatarka Qaranka ayaa maanta soo saaray amar joojin, xili hore looga laabtay…

Qoraal laba bog ahaa oo kasoo baxay Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sida ay u wajahday Wasaaradda Warfaafinta bixinta dhulkaas aysan marnaba waafaqsaneyn nidaamka dowliga ah, shuruucda dalka iyo wareegtooyinka Hay’adaha Dowladda.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu mas’uul ka yahay ilaalinta hantida ummadda iyo u hoggaansanaanta sharciga si loo xaqiijiyo in hay’adaha Dowladda ay hantida ummadda u maamulaan sida ugu wanaagsan, ugu beekhaansan uguna waxtarka fiican,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ku
138350cookie-checkHanti-dhowraha Oo Qoraal Ka Soo Saaray Iibinta Hantida Qaranka