Maxaa Xiligaan Keenay in Isbedel lagu Sameeyo Agaasimaha Howlaha Guud ee Madaxtooyada

Somalia news

Warbixino hordhac ayaa muujinaya in Todobaadyadii ugu dambeeyay uu gudaha Madaxtooyada ka socdeen Dagaal mindhicireed u dhaxeeya Garabyada kooxda Madaxweynaha kuwaasoo ku loolamaayay sidii loo hanan lahaa Agaasinka Howlaha Guud ee Madaxtooyada (Villa Somalia)…

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Agaasimaha Waaxdaan ayaa la sheegay in lagu qasbay inuu iscasilo 4-bilood kadib markii xilka loo magacaabay, iyadoo Waaxdani ay hoos yimaadaan dhinaca adeeg bixinta gaar ahaan Farsamada Gaadiidka, Shidaalka, Saadka, Caafimaadka, Koronta, Nadaafada iyo Biyaha, Waaxdaan ayaa laga hagaa Adeega Guryaha Madaxtooyada.

Ilo wareedkaan ayaa sheegay in Waaxdaan laga hoos saaray qeybta Caafimaadka (Isbitaalka Madaxtooyada), iyadoo Agaasimaha Isbitaalka loo magacaabay Xuseen Maxamuud oo ay dhashay Waalasha Madaxweynaha, iyadoo lagu sababeeyay in la koobo xogaha Caafimaadka Madaxweynaha iyi qoyskiisa ee Isbitaalka iyo kharashaadka ku baxa.

Agaasimaha cusub ee Howlaha Guud ayaa loo magacaabay Ugaas Axmed oo ka soo jeeda Shuraakada kooxda Mr.Bukhaari (Maafiyada Cadaado), iyadoo la sheegay in awooda Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee xiligaan Villa Somalia la sheegay inuu balaariyay kadib markii uu isbaheysi la sameystay mid ka mid Marwooyinka Madaxweynaha iyo Walaashiis, wuxuuna xooga saaray in Shaqsi ka soo jeeda Beesha HG uusan soo gelin xeyndaabka Madaxtooyada talana laga warsan, waana qorsha xumida Madaxweynaha iyo Talo balaarinta inuu mideyn waayo Beesha.

237390cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Isbedel lagu Sameeyo Agaasimaha Howlaha Guud ee Madaxtooyada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com