Somalia Oo Laga Hirgelinaayo Xarun Ilaalisa Caruurta Nugul

Somalia news

Dalka Somalia ayaa dhowaan lagu wadaa in laga hirgeliyo Barnaamij cusub oo lagu ilaalinaayo laguna badbaadinaayo Caruurta u nugul Rabshadaha, Naxdinta, xadgudubyada ka dhashay dagaalada sokeeye, Cimilada iyo Saboolnimada Ba’an…

Barnaamijkaan oo ay iska kaashanayaan Wasaarada Haweenka Ee Dowladda Federaalka iyo Hey’adda UNICEF, sidii loo maareyn lahaa Nidaamka Maareynta Macluumaadka ilaalinta Caruurta (CPIMS +) sI Loo badbaadiyo in ka badan 1,8 Millions Caruur ah oo halis ugu jira xadgudubyada, Rabshadaha ka dhasha colaadaha Sokeeye.

Howlwadeenada Wasaarada ayaa sheegay in keydka cusub uu Caruurta u suurto gelin doono iney helaan gargaar xirfadeed iyo shaqaale gargaarka bulshada oo xogoha u xafidi doona, iyadoo Shaqaalaha sidoo kale awood u Leh iney xafidaan Macluumaadka Caruurta dhibaha ah, Qorsheynta iyo gudbinta Kiiska Ee Laamaha Amaanka.

Shaqaalaha Bulshada ayaa loo tababaray in Macluumaadka la xiriira Xogaha Caruurta Dhibanayaasha ah iney diiwaangeliyaan, Keydiyaan, iyadoo raacaya Nidaam ku saleysan daah furnaan ee Barnaamijka CPIMS, waxaana la Howlgelinayaa in ka badan 30 Khabiiro ah oo ka kala Socda Hey’adda Qaramada Midoobay iyo NGO-yada Maxaliga ah, 25,000 Caruur ah oo halis ugu jira Somalia.

138290cookie-checkSomalia Oo Laga Hirgelinaayo Xarun Ilaalisa Caruurta Nugul