Villa Somalia & NISA Oo Qorsheeyay Weeraro Lagu Qaado Xalane

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Weerar Qorsheysan oo laga soo maleegay Villa Somalia iyo NISA ayaa la sheegay in lagu doonaayo in lagu khaarijiyo Qaar ka mid Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, iyadoo la sheegay in Ciidamada Amisom iyo Xafiisyada Wakiilka AU-da ay Saameyn ku leeyihiin si ay u fududeeyaan howlgalkaasi…

ilo wareedkaan ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Diinah.com news in Ciidamada dhowaan la wareegay Saldhigga Boliiska ay si toos ah uga amar qaataan Adeege Fahad Yadsin, Madaxa Kaalinka NISA C/hi Jiis Mareexaan iyo Saadiq John, Wararka ayaa sheegay in dhaqaale loo qeybiyay Saraakiisha Amisom si ay u fududeeyaan Hirgelinta Howlgalkaasi, waxaana la sheegay in Wakiilka UN-ka Mr.James Swan, Me.Saciid Dani iyo Sheekh Axmed Madoobe Uu yahay Bartilmaameedka 1-aad.

Kooxo Dilaa ah oo horey Shababka ug tirsanaa kana soo jeeda Beesha Mariixaan isla markaasna dharka Ciidamada Boliiska loo geliyay ayaa la sheegay iney ku diyaarsan yihiin gudaha Saldhigga Boliiska iyo Qeybta VIP Ee garoonka diyaaradaha, Kooxdaan ayaa ku jiro 2-xubnood oo naftood haligayaal ah kuwaasoo loo diyaarshay Jaakada Qaraxyada.

Ujeedada ugu dambeysa Qorshahaan ayaa la sheegay iney tahay sidii loo cabsi gelin lahaa Dadaalada Wakiilka UN-ka islamarkaana loo Qalbi lahaa inuu degdeg uga baxo Magaalada Mogadishu, waxaana ka sheegay in Ciidamada Uganda oo u Xil saaran ilaalinta Xafiisyada UN-ka ayaa lagu xoojiyay Ciidamo Mareykan ah.

105180cookie-checkVilla Somalia & NISA Oo Qorsheeyay Weeraro Lagu Qaado Xalane