Fatahaada Wabiga Oo Jaray Wadada Wanlaweyn

Somalia news

Fatahaada webiga Shabeelle ayaa saamaysay tuulooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana go’ay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo, iyadoo biyaha ay wadadu ka gooyeen buundada Warmaxan….

Fatahaadan waxa ka dhashay dhibaatooyin dhinaca nolosha iyo caafimaad daro dadka ku nool degaanada shabeelaha hoose, waxaana ay wajahayaan gaajo macluul iyo cuduro kala duwan sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta degaanka.

Qaar ka mid ah dadka Degaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa codsaday in gurmad lala soo gaaro, isla markaana wax laga qeybto dhibaatada ay sababtay Fatahaada, iyadoo ilaa hadda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Konfur galbeed ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan dhibaatada Fatahaada.

67200cookie-checkFatahaada Wabiga Oo Jaray Wadada Wanlaweyn