Faahfaahin dheer ah ayaa laga helayaa Boliiska Baarista ee Britain oo su’aalo weydiiyay aabaha Eedeysanaha tuhunka laga qabo inuu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Britain Xarbi Cali Kullane, oo 61 jir ah, iyagoo sidoo kale Baaris ku sameeyay 3-Guri oo 2 ay ku yaaliin Waqooyiga Magaalada London…
Wararka ayaa sheegay in Xarbi Cali Kulane oo hore u soo noqday Afhayeenkii Warbaahinta Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, kaasoo degen magaalada London iyo Nairobi, isagoo xaqiijiyay in wiilkiisa uu ku jiro gacanta kooxaha Baara Dembiyada Boliiska kadib falkii tooreeydii Ee Lagu Dilay Xildhibaanka Conservative-ka ah, wuxuuna sheegay inuu ka argagaxay xariga wiilkiisa.
Sidoo kale kooxda Baarista ee Ingiriiska ayaa baaritaan ku sameeyay gurigii uu ku noolaa carruurnimadiisa Eedeysanaha lagu tuhunsan yahay inuu dilay Xildhibaan David Amess. Saraakiisha ayaa baaray guriga oo ku yaal waddo ku taal Croydon, koonfurta London iyo mid kale.
Wararka waxa ay sheegayaan in uu hadda u joogay Xarbi Kulane UK arrimo caafimaad awgiis xaalad wadnaha ah oo ku jiro Isbitaalka Bart, wuxuuna codsaday in culeysyada xiligaan uu wajahaayo uusan xamili karin, isagoo ka dalbaday Warbaahinta iney ka qaadaan culeyskaasi Boliiskana diyaar u yihiin iney la shaqeeyaan.