Rooble Oo Bilaabay Inuu Diyaariyo Doorashada Xildhibaanada

Somalia news

Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Xil gaarsiinta Mr.Rooble ayaa bilaabay inuu qabto Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Waqooyiga kadib markii Maamulada Gobolada qaarkood ay ka dhago adeygeen baaqyadiisa la xiriira iney soo dhameystiraan Doorashada Aqalka Sare..

Mr.Rooble ayaa dhowr jeer weydistay Madaxda Maamulada iney soo dhameystiraan 4-ta kursi Ee Aqalka Sare ( Jubbaland iyo Galmudug), si loo guda galo Doorashada Aqalka hoose, Ayaan darrse cidna kama soo jawaabin, waxeyna u muuqataa iney Villa Somalia xiriiro hoose la leeyihiin si aan loo qaban Doorashada the wakhtigeeda ku dhacda.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa aad u xoogeystay Wararka la xiriira in Madaxda Maamulada ay Wada shaqeyntii ay la lahaayeen Wasiirka 1-aad ka gaabiyeen Oo danahooda gaarka ah ku mashquuleen, isla markaasna ay meel iska dhigeen Qabashada Doorashada.

Hadii uu Mr.Rooble ka dhabeeyo inuu qabto Doorashada Xildhibaanada Waqooyiga, Waxaa halkaasi ku soo af jarmi doona Isbaarada Maamulada Gobolada iyo qorshahooda ay ku doonayaan iney wax ka bedel lagu sameeyo Heshiiska 17-September gaar ahaan kan ka hadlaaya Doorashada degaanka.

146410cookie-checkRooble Oo Bilaabay Inuu Diyaariyo Doorashada Xildhibaanada