Maamulka Puntland Oo Joojiyay Kulan Wasiirka Dhalinyarada kula lahaa Magaalada Gaalkacyo

Somalia news

Macaluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan u qorsheysnaa Wasiirka Dhalinyarada ee Dowlada Federaalka Somalia inuu la qaato Dhalinyarada magaalada Gaalkacyo ee laba dhinac, ayaa waxaa joojiyay Maamulka Saciid Dani…

Wasiirka oo Talaadadii shalay magaalada Gaalkacayo u tegey ka qayb-galka Bandhigga Nabadda ayaa markii dambe Dhalinyarada magaaladu ku booqatay hoy uu ka degey dhinaca Galmudug, Puntland ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah kama bixin amarka joojinta oo la sheegey in uu ka soo baxay madaxtooyada, Mana cadda xilli ay kala boodeen Dowladda iyo maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa intaasi kadib qaatay go’aan ah inuu si gaar gaar ah hoyga uu dagan yahay ugu qaabilo dhalinyarada, isagoo kala hadlay sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen ka shaqeynta isku xirka dhalinta iyo nabad gelyada magaalada oo Koofur iyo Waqooyi u kala qeybsan.

218560cookie-checkMaamulka Puntland Oo Joojiyay Kulan Wasiirka Dhalinyarada kula lahaa Magaalada Gaalkacyo