Dab Xoogan Oo Khasaare geystay oo Ka Kacay Suuqa Hargeysa

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Dab xoogan oo xalay fiidkii ka kacay suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeysa. iyadoo Xoogaga dabdamiska iyo Dadweynaha magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka….

Dabkaan oo marba marka ka dambeysa sii faafaya, ayaa ka kacay Bakhaarada Jumlada ee Suuqa, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa, inkastoo socda gurmad xoogan oo lagu doonaya in lagu damiyo dabkaasi kaasoo ay hoggaaminayaan ciidamada dab-demiska.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay ilaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay, Wuxuuna baaq u diray Ganacsatada & Dadweynaha iney is dejiyaan si lagu guda jiro Howlaha Gurmadka, Dabkaanayaa ilaa saaka waaberigii weli socday inkastoo lagu guuleystay in qeybo badan oo ka mid ah la damiyo, wuxuuna aad u burburiyey inta badan suuqa.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ku yaalla Bartamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan Ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

179120cookie-checkDab Xoogan Oo Khasaare geystay oo Ka Kacay Suuqa Hargeysa