Wada Hadal Ay Dowladu Kula Jirtay Ciidamo Oo Fashilmay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Wada xaajood ay Saraakiisha Amaanka Ee Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo la yeesheen G/Sare Saney Cabdulle Taliyihii Guutada 4-aad Ee Xoogga Dalka oo muddo 3-Sano ah xiriirkii u jiray, isla markaasna Ciidamada Guutada iyo Gadiidka Dagaalka ku heysta duleedka Waqooyiga Magaalada Muqdisho…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wada xaajoodkaan ay dhinaca Dowladda garwadeen ka ahaayeen Wakiilo ay Villa Somalia soo wakiishatay, waxaana la sheegay in Hogaamiyaha Ciidamada G/Sare Saney Cabdulle la hordhigay qodobada hoos ku xusan.

-In loo balanqaaday abaalmarin dhaqaale mid darajo iyo Xil G/Sare Saney.

-Inuu Soo wareejiyo 4-Sarkaal oo lagu kala magacaabo Cusmaan Xaadoole, Maxamuud Maxamed Masdile, Abuukar Boonow iyo Maxamed Cusmaan Joorre, oo dhammaantood isku beel ah kana soo jeeda Beelaha Mudulood.

-Inuu soo celiyo Hubkii iyo Rasaastii laga qaatay Saldhigga Boliiska iyo Degmada Kaaraan.

-Inuu sii wareejiyo Ciidamada iyo Gadiidka Dagaalka islamarkaana uu wada-hadal la galo dowladda, Sarkaalkaan qudhiisa oo ay is-hayaan kadib markii ay kala tageen muddo fog kahor.

Dowladda Federaalka ayaa waxaa kusii kordhaya cadaadiska ay saraakiisha Ciidamada ee ka goosnaya, xilli dalka uu sii galayo marxalad kala guur, ayna ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashada.

81420cookie-checkWada Hadal Ay Dowladu Kula Jirtay Ciidamo Oo Fashilmay