Maxaa Xiligaan Keenay Fashilka & Habacsanaanta ka Muuqata Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somalia..

Somalia news

Sanadihii 70-yadii xiligii uu socday Dagaalkii Qaboobaa Siyaasada Dalka Somalia ee Arrimaha Dibeda waxey ka leexatay Gaashan-buurtii Bariga ee Warsaw si aan ka fiirso dheer laheyn, iyadoo Hogaanka Xiligaasi uu isku dhiibay Xulufada Nato, talabadaasi oo bilow u aheyd Fashilka Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka….

Sanadkaan 2023-ka waxaa muuqata ifafaalo muujinaaya in Maamulka Villa Somalia uu ku kufaayo siyaasada arrimaha Dibeda, iyadoo Todobaadkii hore uu Wasiirka Arrimaha Dibada uu heshiis iskaashi la soo saxiixday dhiggiisa Ruushka Mr.Sergey Lavrov iyo in Dowladda Federaalka ay Wafdi u direyso Shirka Africa iyo Russia ee dhawaan ka dhici doona magaalada Moscow.

Dalkaan waa Dal madax banaan oo dooran jara Asxaabtiisa, laakiin dhinaca juquraafiyeedka dhamaan asxaabta ma noqon karaan faa’iido ujeedooyinka istaraatiijiyadeed ee Dalka, haddii Wadan uu isku dayo inuu ka faa’iidaysto laba Nidaam oo iska soo horjeeda, waa in loo diyaar garoobaa khatarta sarbeebta ah ee isku mar la fuulo laba faras, ku darsoo Somalia ayaa u codeysay tiro qaraaro ah oo ay soo diyaariyeen Xulafada USA ee lagu cambaareynaayo duulaanka Russia ee Ukraine.

Waana fashilkii 2-aad ee diblumaasiyadeed ee ay soo diyaariso Wasaaradda Arrimaha Dibada, Sannadkii hore, Dowladda Faderaalka ayaa  waxay taageertay Iskaashiga Amniga ee u dhexeeya Maraykanka iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Waqooyiga Somalia, Dagaalka Laascaanood ayaa ku qasbay Maamulka Washington iney dib uga fakarto heshiiska iskaashiga ay ku tala gashay iyadoo aan la ogeyn waxa laga macaashaayo siyaasad iyo dano ahaan.

Villa Somalia maxaa ka hortaagan iney kala-tashato Dibloomaasiyiintii hore Siyaasada Arrimaha si looga baaqsado fashilka muuqda ka faa’ideysiga siyaasada ee labada Faras, fudeydka ka muuqda Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka oo ay horseed ka tahay Kooxda isku uruursatay Villa Somalia, waxey u horseedi karaan iney mar kale uu guuldareysto Siyaasada arrimaha Dibeda.

258400cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay Fashilka & Habacsanaanta ka Muuqata Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Somalia..