Wadaad 21-Sano Imaam Ka Ahaa Masaajid Oo La Dilay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Wadaad lagu magacaabi jiray, Macallin Cali Bashiir Xasan oo dhowaan fasax uga baxay magaalada Boosaaso, islamarkaana safar u aaday degaannada Koonfur Galbeed ayaa lagu dilay nawaaxiga Baydhabo…

Allaha u naxariiste, Macallin Cali Bashiir Xasan iyo walaalkiis Cabdullaahi Bashiir Xasan ayaa sida wararku sheegayaan lagu dilay degaan ka tirsan magaalad Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay.

Marxuumka oo ka soo jeeda Koonfur Galbeed, wuxu mudda kusiman 21 sano Mu’addin iyo Imaam ka ahaa masaajidda Boosaaso, gaar ahaanna wuxuu imaan ka ahaa masjidka Al-Nawaawi Boosaaso Ee Gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed weli faahfaahin kama bixin dilka macallin Cali Bashiir iyo walaalkiis oo si weyn looga wada-naxay.

126930cookie-checkWadaad 21-Sano Imaam Ka Ahaa Masaajid Oo La Dilay