Xoogaga PMPF Oo Khalkhal Ku Haya Amaanka Magaalada Boosaaso

Somalia news

Tan iyo markii Xilka laga qaaday Madaxii Xoogaga Hubeysan ee PMPF Oo ay CIA-da Mareykanku maalgeliyaan, isla markaasna taageerada dadban ka hela Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday (Farmaajo), ayeey Xoogagani ka wadaan Magaalada Boosaaso Cabsi gelin iyo khalkhal amni…

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan loo yaqaan PMPF ayaa xalay cabsi aan jirin ka abuuray magaalada Boosaaso sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal kala duwan, waxeyna Cutubyo ka tirsan oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay xalay dhufayso ka samaystay qaar kamid ah xaafadaha Rayidku degan yihiin halkaas oo ay haddana saaka ka baxeen, Tallaabada Xoogagaasi qaaday ayaa loo arkay mid mas’uuliyad-darro ah islamarkaana dhibaato u keentay amniga iyo xasiloonida Boosaaso.

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uu go’aan ku gaaray in meesha uu ka saaro ciidamada & Hay’adaha sida gaarka ah u hoostaga qoy ama shaqsiyaad, wuxuuna sheegay “Dalkaan hal dowlad ayuu yeelanayaa, Hal ciidan ayuu yeelanayaa oo ma aqbali karno ciidamo Rag leeyihiin, markii aan imaanayay waxa aan maqlayay nin weliba 2% ayuu dakhliga ku leeyahay, Maalintii ugu horreysay ayaan ka taqalusnay, Ciidamo hebel leeyihiin dabayaaqadkooda ayaa socda”.

153620cookie-checkXoogaga PMPF Oo Khalkhal Ku Haya Amaanka Magaalada Boosaaso