Wadayaasha Bajaajta Waqooyiga Gaalkacyo Oo Shaqo Joojin ku Dhaaqaaqay & Sababta..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ay Awood u adeegsadeen Dibad-bax cabasho ah oo ay dhigaayeen Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta ee qeybtaasi ka howlgasha, kadib markii Maamulka Degmada ku soo rogeen Amar…

Wararka ayaa sheegaya in Wadayaasha Bajaajta ay sheegeen ineysan awoodin iney bixiyaan Canshuur lay ku soo rogeen Maamulka Degmada ee Waqooyiga Gaalkacyo, waxeyna doonaayeen iney dhigaan isu soo bax ay ku cabirayaan aragtidooda ku aadan ineysan awoodin canshuurta lagu soo rogay.

Waxeyna sheegeen in Maamulka Degmada uu u xil saaray Shirkad gaar loo leeyahay iney uruuriso Canshuurta laga qaado Gaadiidka & Mootooyinka Bajaajta, iyagoo Shirkada la sheegay iney qorteen Dhalinyaro hubeysan, talabaadan oo ay sheegeen iney ka jor imaaneyso Nidaamka Dowliga ah.

334450cookie-checkWadayaasha Bajaajta Waqooyiga Gaalkacyo Oo Shaqo Joojin ku Dhaaqaaqay & Sababta..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *