Tirada Dilalka Aanada Qabiilka oo Degaanada Galmudug Sare uga Kacday, Maamulkana ku Fashilmay Xakameynta…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Galmudug ayaa sheegaya in Ganacsade caan ka ahaa Galgaduud kana soo jeeda Degmada Cadaado ayaa kooxo hubeysan aano qabiil ahaan ay ugu dileen inta  u dhaxaysa magaalada Dhusmareeb  iyo Degaanka Godinlabe…

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumkaan la dilay oo lagu magacaabayay Calikaafi Axmed Faarax (Tilimbo) ayaa Wadada waxaa u galay Dabkey hubeysan oo ka soo jeeda Degmada Dhuusmareeb, kuwaa oo dil u geestay kadibna goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen ilo loo qaateen ah.

Dalka Marxuumka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkan u dhaxeysay maleeshiyaad kasoo kala jeeda labada beel ee kala degta degmooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb, iyadoo Maamulka Qorqor iyo kan Xasan Gurgurte lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen xakameynta Dilalka micno darrada ah.

289430cookie-checkTirada Dilalka Aanada Qabiilka oo Degaanada Galmudug Sare uga Kacday, Maamulkana ku Fashilmay Xakameynta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com