Wadayaasha Mooto Bajaajta Oo Banaanbaxyo ka Dhigay Magaalada Mogadishu & Sababta..

Security Somalia news

Waxaa maalintii 3-aad ka taagan Wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka Maka Al-Mukarama Kacoon isku bedelay banaanbax ay dhigayaan Dhallinyarrada ku shaqeysata Mooto Bajaajyada, kadib markii Dowladu ku soo rogtay Canshuuro dheeraad ah iyo adeeg xumo…

Wadayaasha ayaa careysan qiime kordhin lagu sameeyay canahuurta lagu kordhiyay Leysinnada, Xoogaga Taraafikada ah oo jidadka u taagan lacago baad ah oo ay ku qaataan Wadooyin & isbaarooyin cusub oo la dhigay wadooyinka oo dhibaato ku keenay shaqadooda, Bannaanbaxayaasha Mootooyinka ay wateen ku xireen isgoyska KM-4 ee Muqdisho, iyagoo diiday inay maraan Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah, waxayna isku dhaceen xoogaga Amaanka.

Wadayaasha Mooto-Bajaajta ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan u dulqaadan karin dhibaatooyinka lagu hayo ayna sii wadi doonaan banaanbaxyadooda haddii aan wax lag qaban cabashadooda, iyagoo fariin toos ah warbaahinta u mariyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir, iyagoo degdeg uga dalbaday inay cabashadooda wax ka qabtaan.

Kacdoonka Dhalinyarada Muqdisho waxaa sii kiciyay markii uu Madaxweynaha khubbad kajeediyay Masaajid ku yaal Madaxtooyada jimcihii la soo dhaafay, isagoo sheegay inaysan jirin shaqo la’aan heysata Dhalinyarada ‘SHIID’, waxayna xaaladda qarka u saaran tahay inay Kacdoon bulsho.

339610cookie-checkWadayaasha Mooto Bajaajta Oo Banaanbaxyo ka Dhigay Magaalada Mogadishu & Sababta..