Rooble Oo Ku Sii Jeeda Kismaayo

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah oo la helay ayaa sheegaya in Wasiirka 1-aad ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa Maanta laga sugayaa Kismaayo Ee Xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland…

Wararka hordhaca ah ayaa Sheegaya in Safarkaan ayaa daaran yahay hanaanka Doorashada iyo socodsiinteeda iyo kormeerka Gobolka oo markii ugu horeysay uu ku tago Rooble.

Safarkaan ayaa dhowr jeer oo hore la Qorsheeyay waxaase carqaladeeyay Farmaajo oo la sheegay inuu culeys ku saaray Rooble inuu ka baaqsado, iyadoo Taageerayaasha Nabar iyo Naxli ay qeylo dhaan ka soo saareen Safarka Rooble, waxeyna sheegeen in lagu Heshiinaayo Gacanta Ku heynta Jubbaland.

127570cookie-checkRooble Oo Ku Sii Jeeda Kismaayo