Su’aal Ka Timid Miisaaniyada Dowlada Federaalka Halkey ka Timaadaa & Maxaa Maamulada Ka Hortaagan..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen xaqiijinaaya in Miisaaniyada Dowlada Federaalka oo Sanadkaan gaartay 1-Bilyan US$, ayaa waxaa bixiya Canshuurta laga qaado Muwaadininta (Dakhliga gudaha) Maamulka Banaadir oo dhan $283 million, or 29 percent, Halka UN, EU, USA, UK, Dowlado Carbeed iyo Dowlado kale oo saaxiibo nala ah ($667 milyan 68%)..

Waxaw xaqiiqo ah Dadka Reer Muqdisho iyo Beesha Caalamka ay yihiin suuro galiyeyaasha Dowlada Federaalka iney noo shaqayso, inkastoo Siyaasiyiinta Xiligaan aysan ka xishoonin iney maareeyaan dhibaatooyinka Biyaha fadhiista gudaha magaalada kuwaasoo ay ka dhashaan cuddurada faafa iyo Qashinka daadsan Degmooyinka, dayactir la’aanta Wadooyinka.

Halka UN iyo Hey’adaha hoos yimaada ay maalgeliyaan dhaqaalaha ku baxa dhinacyada Waxbarashada Unicef/Save Children, Amniga, qabashada Doorashada, Kaabbayasha GPLG,
Shirarka Dowlad Goboleedyada iyo Diyaaradaha ay raacaan, ku darsoo xitaa Xabsiyada, (Boliiska iyo NISA iyo Xsbdiga Dhexe) UN-ka ayaa quudisa, qorshaynta Mashaaricda Dalka.

Hadii Soomaalida Muqdisho gadoodaan oo diidaan iney Canshuur bixiyaan ama Beesha caalamka naga joojiso Kaalmada ay ku kabto Miisaaniyada ma filaayo iney sii shaqayn karto DFS, Hadaba Muwaadiniinta Gobolka Benaadir iyo Beesha Caalamka cadaadiskooda waa mid joojin kara Ku tagrifalka Awooda ee Horgalada Villa Somalia kuwaasoo ku dhaqaaqa talaabooyin sharci darro ah.

Muwaadinow Sidee u aragtaa in Degaanada kale ee aan wax saami dhaqaale ku lahayn Miisaaniyadda Dowlada hadana u hanqaltaaya shuruudana ku xiraaya iney la siiyo Saamiyo dheeri ah?, Miyaysan haboonayn in si furan u wada hadasho Soomaalidu oo la wada xisaabtamo.

286050cookie-checkSu’aal Ka Timid Miisaaniyada Dowlada Federaalka Halkey ka Timaadaa & Maxaa Maamulada Ka Hortaagan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com