Dowladda ccusub & Dib u Dhayga Boogaha Siyaasadaha Arrimaha Dibeda Ee Somalia

Somalia news

Waa muhiim hagaajinta xiriirka Dowladaha Carabta iyo kuwa Islaamka ay saldhig u noqoto Siyaaaada dibeda ee Dowlada Federaalka, lana dhayaa boogaha gaaray Siyaasada Arrimaha Dibeda ee Dalka, iyadoo la saxaayo khaladaadii uu Maamulka fashilmay ku kacay kadib markii uu Siyaasada Arrimaha Dibeda ku xiray u adeegida danaha Dalka Qatar…

Dalalka Sacuudiga, Masaarida iyo Imaaraadku waa Dowlado muhiim u ah Somalia marka laga eego dhinacyo badan, Madaxweyne Xasan inuu la kulmo Safiiradooda waa talaabo mudan dhiiri geli loona baahan yahay xiligaan kala guurka ah, iyadoo Sidoo kale ay tixgelin mudan tahay in Madaxweynaha cusub uu Safarkiisa ugu horeeya booqashadiisa ee uu dibada uu ku tago mid ka mid ah Dalalka kor ku xusan gaar ahaan UAE.

Maamulka cusub waxaa looga fadhiyaa in dhaqaalaha sharci darrada looga xanibay si deg deg ah loogu fasaxaa Dowladda Imaaraadka, UAE waxay Somalia ka caawin karaan dhinacyo badan oo ay ugu horrayso kabida Miisaaniyada iyo Mashaariic horumarineed iyo kuwa Caafimaadka, iyadoo laga fogaanaayo adeeg ku xiran Mukhaabaraadka.

189300cookie-checkDowladda ccusub & Dib u Dhayga Boogaha Siyaasadaha Arrimaha Dibeda Ee Somalia