Share the post "Wakiilada Beesha Caalamka Oo Wakhti Gelinaaya isu Keenida Golaha Wadatashiga.."
Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dadaalo uu garwadeen ka yahay Wakiilka UN-ka ee Somalia & Wakiilada Beesha Caalamka ay ku doonayaan sidii uu shirka madashada wadatashiga Qaran ee 5-ta Bishaan ka furmay Muqdisho u noqol lahaa mid mira-dhal ah oo loo dhan yahay…
Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Mr.James Swan Wakiilka Xogahayaha guud QM ee Somalia uu wado qorshe uu madaxda maamulada Gobolada iyo Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia kaga dhaadhicinaayo qabsoomida Shirka si meesha looga saaro kala maqnaanta madaxda DFS iyo maamulada dalka taasoo uu sheegay iney ka faa’iideysan karaan kooxaha Argagixisada ee Nabad-diidka ah.
Waxaa Magaalada Mogadishu gaaray Hoggaamiyaha maamulka SSC KHATUMO Cabdulqaadi Axmed Aw-cali Firdhiye, wuxuuna sheegay inay shirka geyn doonaan aragtidada bulshada Gobolka Sool & Degmada Buuhoodle, Shirkaan ayaa u muuqda mid fashilmay bacdamaa Berito ay tahay 5-ta bisha May.