Hoobiyayaal Lagu Weeraray Magaalada Dhuusa mareeb

Somalia news

Hoobiyaal ayaa xalay mar kale lagu weeraray gudaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, halkaas oo ay ku shirsan yihiin Madaxda sare ee Dowlada Federaalka iyo Kuwa dowlad Goboleedyada, gaar ahaan nawaaxiga Garoonka diyaaradaha…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in tiro 10-Maleeshiyaad oo ku Hubeysan Hubka fudud watayna Gaari Qooqan ah (Toyota Pickup). ayaa la sheegay iney duleedka Magaalada soo dhigteen Hoobiye 60-mm, halkaasoo ilaa 10-hoobiye ku weerareen Magaalada.

Saraakiisha Amaanka ee Galmudug ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu dilay 8 ka mid ah Al-shabaab sidoo kalana gacanta lagu dhigay Gaadiid, Hoobiyihii iyo Hub fudud oo ay adeegsanayeen, Waa markii labaad oo maalmo isku dhow gudahood Magaalada Dhuusomareeb lagu weeraro Hoobiyayaal.

Weerarkaan soo noqnoqday ayaa u muuqanaaya in Maamulka Qorqor loo diray fariimo Digniino xambaarsan in Kooxda Shababka ku sugan yihiin Goobo aan ka fogayn magaalada looga arrinsanaayo masiirka doorashada ayna ku sugan yihiin madaxdii ugu saraysay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Iyadoo Magaalada Dhuusa mareeb ay ka mid aheyd Magaalooyinka ugu Amaanka Wanaagsan Dalka ka hor Doorashada Axmed Qorqor oo ku yimid rabotaanka Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo haatan ku mashquulay sidii dib loogu dooran lahaa.

92240cookie-checkHoobiyayaal Lagu Weeraray Magaalada Dhuusa mareeb