12 Oktoobar Maalinta Astasnta Calanka Soomaaliyeed..

Somalia news

Waxaa maanta ku beegan maalintii Calanka Somalia ee buluuga khafiifka ah Xidigta shangeeska ah ee cad dhexda ku leh, waxaana ka Asaaskii calanka qarankeena ka soo wareegtay 69-sano markii la asaasey…

Ayaan darro, Kadib burburkii Nidaamkii Dowladnimo iyo Astasnta Qaranka Somalia waxaa soo baxay in midabka calanka Soomaaliyeed uu noqdo mid qofba waxa uu rabo samaysto isaga oo buluug raadinaaya keliya, laakiin calanku waa buluug khafiif ah oo lamid ah midabka cirka oo aan caad lahayn, ku darsoo Waxaa Qabiil walba uu toshay Calan u gaar ah oo uu ku weyneynaayo jiritaankiisa Beeleed.

Waxaa meesha ka baxay Heesta Calanka Qaranka oo ah:
Qolobaa calankeedu, waa ceynoo,
Innaga keenu waa Cirkoo kale ee,
aan caadna lahaynoo, Ee caashaqa ee.
Xidigyahay caddi waad, Naa ciidamisee,
Carradaa kaligaa aadoow curad ee
cadceeda sideed noo caan noqo eey
Cishadaad dhalataad calooshayadii
Sidii cudaygii ciid aad marisee
Alloow ha ku celin cawooy dhahe eee.

Hambalyo maalinta Calanka Soomaaliyeed.

281540cookie-check12 Oktoobar Maalinta Astasnta Calanka Soomaaliyeed..