Shirkada Flydubai oo Duulimaad Ka Bilaabeysa Caasimada Somalia

Somalia news

Shirkadda Diyaaradaha ee Flydubai oo xarunteeda dhexe ku taallo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa shaaca ka qaaday in duulimaad toos oo maalinle ah ka bilaabeyso magaalada Muqdisho, duulimaadka tooska ah ayaa lagu wadaa iney Shirkadda bilaabi doonaan Bisha March 9-da…

Wararka ayaa sheegay in Shirkadda cadeesay in adeegyadeeda laba laabi doonto bisha June 1-da ee isla sanadkan 2023-ka, Shirkadaan ayaa Duulimaayada u adeegsan doonta Diyaaradda 737 MAX Aircraft, Mr.Hamad Obaidalla, oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Shirkada Flydubai ayaa sheegay iney sii kordhinayaan fursadaha duulimaad ee ka sameenayaan geeska Afrika, wuxuuna xusay in bilaabi doonaan duulimaad toos ah oo isku xiraya Muqdisho iyo Dubai.

Shirkadda ayaa lagu wadaa iney ballaariso Howlaha Duulimaadyada ee gudaha Qaarada Afrika ilaa 11-Dal, iyadoo rakaabka ka yimaada Imaaraadka iyo Gobalka siinayso Fursadaha ugu macquulsan ee Xulashada Duullimaadkooda iyo qiimo jaban, oo ay ku jiraan Magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeisa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

Caasimada Mogadishu waxaa xiligaan ka howl gala Shirkadaha Diyaaradaha Turkish Airlines, QatarAirways, Ethiopian Airlines, Ugandan Air iyo kuwo kale, waxeyna Shirkadda Flydubai ku biireysaa tartanka Shirkadaha caalamiga ah ee duulimaadka maalinlaha ku yimaada Muqdisho.

242330cookie-checkShirkada Flydubai oo Duulimaad Ka Bilaabeysa Caasimada Somalia