Wakiilada Beesha Hawiye & Matalaada Shirka Oo La Dhaliilay

Somalia news

Waxaa qeylo dhaan laga Wakiilada Beesha Hawiye ee Shirka Dhuusa mareeb-4, Iyadoo la sheegay iney ka gaabiyeen Kaalintoodii kaga aadaneyd Matalaada Beelaha ay ka soo jeedaan, iyo iney u istaagaan joojinta dagaalada ka socda Degaanada Shacbiga ay matalaan….

Ilo wareedyo loo qaateen ah ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Wasiirka 1-aad Ee Dowladda Federaalka Mr.Rooble aan laga dareemin Degaanka uu ka soo jeedo inuu joogo, wuxuuna ka mid noqday Xogheynnada Mr.Farmaajo, kuna qanacsan uu guulwadeyntiisa.

Mr.Qorqor oo Marti loo yahay ayaa lagu Eedeeyay inuu Ka baaqsaday inuu ka qeyb galo Aaska Marxuum Galaal oo lagu aasay degmada Guricel, sidoo kale waxaa lagu Eedeeyay inuu huriyay dagaal beeleedka ka socda Degaanka Xananburre oo 40-km u jirta Magaalada Dhuusa mareeb.

Madaxweynaha Hir-Shabelle iyo Duqa Magaalada Mogadishu ayaa lagu tirayay iney ka mid yihiin ergada Madaxweynaha la socota, iyagoo aan saameyn, Door iyo talo gelin midna ku laheyn shirka, waxeyna ku qanacsan yihiin safarka Dhuusa mareeb.

92020cookie-checkWakiilada Beesha Hawiye & Matalaada Shirka Oo La Dhaliilay