Ma Dhabaa in Maraakiibta Jariifka Kaluunka Ay Ka Baxeen Xeebaha Dalka

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa in Maraakiibta waaweyn ee jariifka ayaa maalmihii la soo dhaafay ka baxay dhammaan xeebaha Dalka gaar ahaan degaanada Puntland sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoonyahay…

Wararka ayaa sheegaya in xeebaha Dalka oo dhan ay ka baxeen Maraakiibta jariifka kadib markii ay dhowaan dacwad ka gudbisay Dowladda Federaalka, inkastoo kuwa ay fasaxa siisay ay weli wadaan gurashada kheyraadka Badda.

Inkastoo weli xeebaha degaanada Waqooyiga & Puntland ku sugan Doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen iyo Iraan kuwaasoo qaarkood ay Maamulada siiyeen shatiyo kalluumeysi halka qaar kalena ay si sharci-darro ah uga jillaabtaan.

Dacwadda ay Dowladda Federaalka Somalia ka gudbisay Maraakiibta Jariifka ayaa lagu lifaaqay magacyada iyo xogta maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Dalka, waxaana si toos ah loogu gudbiyay Golaha Amaanka.

183290cookie-checkMa Dhabaa in Maraakiibta Jariifka Kaluunka Ay Ka Baxeen Xeebaha Dalka