Wakiilo Ka Socda Gobolka Gedo Oo Gorgortan Kula Jira Saraakiisha Qeybta Imtaxaanaaka

Somalia news

Waxaa maalmahaan magaalada Muqdisho ku sugan Wakiilo ka socda Qeybta Waxbarashada Ee gobolka Gedo, kuwaasi oo magaalada u yimid sidii ay u qaadi lahaayeen nuqulo kamid ah imtixaanaadka shahaadiga dugsiyada sare ee dalka ee qaadayso wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka…

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Wakiiladaan ay gorgortan kula jiraan Saraakiisha Wasaarada Waxbarashada Ee qaabilsan Qeybta Imtixaanaadka si loogu heshiiyo Qiimaha halkii Maado oo sida la sheegay ilaa 1000 USA$ ah lagu wado in laga siiyo.

Xubnaha Muqdisho jooga oo gobolka Gedo u qaadaya imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka ayaa waxaa ay u jeedada ugu wayn ay ka leeyihiin ayaa ah in ay ardayada gobolka Gedo ay kaalimaha hore ka galaan Dugsiyada gobolka Gado iyo guud ahaan dalka.

Sanadkii tagay ayaa Wasaarada Waxbarashada sheegtay in ardaydii ugu badnayd ee ku dhacay imtixaanka dugsiga sare ay kasoo jeedaan gobolka Banaadir taasi oo markii dambe ay cadaatay in la musuq maasuqay imtixaanka. Sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay in ka badan 11-kun oo arday oo dhamaan gobolada dalka ah marka laga reebo Puntland, waxaana kaalmaha ugu horeeyo galay gobolka Gedo taa oo shaki badan abuurtay.

116700cookie-checkWakiilo Ka Socda Gobolka Gedo Oo Gorgortan Kula Jira Saraakiisha Qeybta Imtaxaanaaka