Guddigii Kala Qaadista Ciidamada soo kulankoodii Fashilmay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Guddi uu magacaabay Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Xil gaarsiinta Mr.Rooble kaasoo Kulankoodii ugu horeeyay uu fashilmay, waxaana eeda loo saariyay Wasiirka Amniga Xundubey oo erayo aan mubaasab ahayn goobta kaga hadaaqay, kadibna jawaab u qalanta kala kulmay dhanka kale…..

Xogo la soo gaarsiyay Warsidaha Diinah.com news ayaa xaqiijinaaya in Guddigaan ayaa laga reebay xubin muhiim ahaa Xoogaga Hubeysan ee Mucaaradka kaasoo ahaa Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Amniga Galmudug, lamana yaqaano sababta ay Villa fashil u qoonsadeen.

Rooble,ayaa hada laga war sugayaa inuu isku cesho markale Guddigaan lana kulmo.

Gudiga shaqadoodu maxay tahay:-

  1. Iney kala qaadaan Ciidamada is horfadhiya
  2. Iney ka shaqeeyaan in Ciidamada xuquuqdoodii la hakiyey ay dib u helaan.
  3. Iney ka shaqeeyaan sidii dib la isugu biirin lahaa ciidamada loona baabi’in lahaa kala shakigii Ciidanka soo kala dhexgalay Iyo qodobo kale oo muhiim.

Magacayada Guddiga Rooble magacaabay,ayaa kala ah:

-Wasiirka Gaashaandhigga Xasan Xuseen Xaaji

-Wasiirka Amniga Xasan Xundubey

-Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed

-Wasiir ku xigeenka warfaafinta C.raxman Caddala

-Xildhibaan Cabdi Xakiin Macalin Axmed

-Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

-Senator Dhagey Geelle Ugaas

-Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer)

-Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

116670cookie-checkGuddigii Kala Qaadista Ciidamada soo kulankoodii Fashilmay