Hey’adda NISA Oo Saraakiisheeda Wajahaaya Xil ka qaadis, Xarig iyo Shaqo ka joojin

Somalia news

24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa Hey’adda Nabadsugida ka taagnaa isbedel deg deg oo Hogaanka cusub ku talaabsaday, iyadoo markii si deg degsimo ka muuqato uu culeys ugu saaray Dowlada xil gaarsiin in xilka loo magacaabo Gacanyarihiisa…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Agaasimaha cusub uu ku dhaqaaqay Magacaabid Xilalka Hey’adda, Shaqo ka joojin iyo Xarig Saraakiil ka tirsan Hey’adds, Waxaa Madaxa FISA Gobolka Benadir loo magacaabay Sarkaal ka soo jeeda Beesha Madaxweynaha (Muxyadiin Warbac), Halka Madaxda Nabadsugida Garoonka Diyaaradaha loo magacaabay Xamdi Xasan oo horey Fahad Yasin Shaqada uga joojiyay.

Wararka ayaa sheegay in Xariga Jeylaani Maxamed oo NISA uqaabilsanaa badeecadaha garoonka ka dhoofo ama ka soo dago inuu hubiyo ayaa loo heystaa kiiskii Lacagta UAE, wuxuuna ahaa Sarkaalkii ka dambeeyey in la qabto sanadkii 2018-kii lacagtii Imaaraadka Carabta.

Hogaanka cusub ee Hay’ada FISA ayaa bilaabay isku shaandheynta saraakiisha Ciidanka, islamarkaana qaarkood kuwii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin xilalka laga qaaday qaarna la xiray inkastoo dib xoriyadooda looga soo celiyey.

192060cookie-checkHey’adda NISA Oo Saraakiisheeda Wajahaaya Xil ka qaadis, Xarig iyo Shaqo ka joojin
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com