Walaalo Maxkamad La Soo Taagay..

Uncategorized

Laba nin oo Walaalo ah oo qorsheynaayay iney ku biiraan kooxda Daacish-ta Somalia, ayaa la soo taagay Maxkamadda ku taal Dalka Mareykanka.
Shaqsiyaadkaan oo lagu kala magacaabo Maxamuud Muuse iyo Muuse Muuse, ayaa ka soo jeeda Magaalada Lasing ee Gobolka Michigan ee USA, ayaa qirtay hal dembi, kaasoo ah iney taageereen koox loo aqoosan yahay argagixiso Caalami ah.
Walaalahaan ayaa bishii Janaayo 2019, ayaa laga qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Grand Rapids ee Gobolkaasi, waxeyna xiligaasi ku wajahnaayeen Somalia si ay uga mid noqdaan Maleeshiyaadka Kooxda Daacish.
Saraakiisha baarayaasha ayaa sheegay in Shaqsiyaadkaan ay cod u duubeen kooxda isla markaasna ay Dhaqaale u Doreen, inkastoo Xafiiska Xeer ilaalinta ay meesha ka saareen eedeymo la xiriira. Qalab ay ku taageereen ururka iyo Baasaboro been abuur ah.
Waxaana laga yaabaa in lagu xukumo Walalaan, 20-sano oo Xabsi ah, iyadoo lagu in xukunka la riday 20-ka May iyo 30-ka Juun ee sanadkaan.

15290cookie-checkWalaalo Maxkamad La Soo Taagay..