Warar Hordhac ah Oo Laga Helay Hoobiyayaal lagu Weeraray Xerada Xalane..

Domestic News Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Tiro hoobiyaal ah oo aroornimadii hore ee saakay lagu weeraray qeybo ka mid Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaasha qaarkood la sheegay iney ku dhaceen Xarunta Taliska Ciidamada AUSSOM Xerada Xalane ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho…

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in ilaa 4-Hoobiye ay ku dhaceen gudaha Xeyndaabka Xalane, iyadoo aaan yaan la ogeyn labada kale halka ay ku dhaceen, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda lagu weeraray xerada Xalane,

Horgalada Kooxda Argagixisada Shababka ayaa barahooda bulshada ku baahiyay nay ka dambeeyeen weerarka madaafiicda ah ee lagu beegsaday Xalane, waana tiro beeleen weerarada hoobiyayaasha, iyadoo Hey’adaha Amaanka iyo Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia ka gaabiyeen iney sugaan Amaanka Caasimada.

Ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhanka Hey’adaha Amaanka Dowladda Fedaraalka iyo dhanka Taliska AUSSOM oo ku aadan weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda iyo hadii ay geysteen khasaare

373280cookie-checkWarar Hordhac ah Oo Laga Helay Hoobiyayaal lagu Weeraray Xerada Xalane..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *