Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Garoowe

Somalia news

Wararkii Ugu Dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Kulamadii wada tashiga ahaa ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Rooble weli la isku-mari la’ yahay, Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalbaday in Puntland soo magacawdo Guddiga oo Muqdisho loo soo diro kadibna la wada hadlo, wixii qaldan la saxo…..

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu shuruud ku xiray magacaabida Guddiga, isla markaana dalbaday in la xaliyo arrinta Ciidamada Gobolka Gedo ay Dowladda u dirtay iyo in dib u eegis lagu sameeyo Guddiga doorashada ee muranka ka taagan yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku adkeysanaya in marka hore la fuliyo shirkii Muqdisho wixii lagu heshiiyay, arrinta Gedo shir gaar ah looga hadlo, dhowaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada la qaban doono.

78620cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulamada Garoowe