Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Magacabista Golaha Wasiirada

Somalia news

Waxaa socda shirarkii u dambeeyay ee ku saabsan wadatashiga Golaha Wasiirada, iyadoo xalay uu Madaxtooyada ka bilowday shir u dhaxeeya Madaxweynaha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha, kaasoo looga tashanaayo Xubnaha loo magacabaayo Golahaasi…

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo xubnaha Golaha Wasiiradda ee Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo la hadal haayo in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii hore ay soo laaban doonaan.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay taagnaa dood ka taagneyd xubnaha ka soo jeeda Koofur Galbeed ee ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

66780cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Magacabista Golaha Wasiirada