Xoogaga Amaanka Oo Xiray Ganacsade

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa afduub xalay ay Xoogaga Hay’adda NISA gurigiisa oo ku yaal Magaalada Muqdishu ay kaga soo xireen Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed….

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Xariga Xaaji Abuukar Cumar Cadaan uu bixiyay amarka lagu soo qabtay Mr.Farmaajo taasoo lala xiriirinayo wareysi uu bixiyay, arrimo siyaasadeed & cabsi uu MW Farmaajo ka qabo in looga guuleysto doorashada lagu wado in aay dalka ka dhacdo bisha Febraayo ee sanadka foodda nagu soo haya ee 2021.

https://youtu.be/aInc2lsPgP4

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wareysi uu Jimcihii siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, waxa uu si cad ugu sheegay inuu taageersan yahay mabda’a ay ku taagan yihiin Al-Shabaab iyo in la baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta.

“Weligey nin siyaasi ah wax gaar ah lama qabsan, dan gaar ahna kama lihi, Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa, cidna ka baqi maa,” ayuu yiri.

Dhanka kale Xaaji Maxamuud Cumar Caddaan iyo 17-xubnood oo Guddiga Gaadiidka Dekeda ayaa sidoo kale u xiran Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, iyadoo laga doonaayo in Baad dhaqaale oo doorshada lagu galo, taasoo ay ka caga jiideen Guddigaasi.

66820cookie-checkXoogaga Amaanka Oo Xiray Ganacsade