Wasiiru Dowlihii Wasaarada Duulista & Hawada oo xilkii uu hayay iska Casilay

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayuu ku xusay inuu iska-casilay xilka uu ka hayay Wasaarada, qoraalkaan ayuu soo saaray xili dambe oo xalay ah..

Sarkaalkasn ayaa qoraalkiisu ku sheegay, “Mudane Ra’isul Wasaare, tan iyo markii aan la wareegay xilka Wasaaradda, waxaa si joogta ah iigu imaan jiray shaqaale iyo qanderaasleyaal dacwo ka ah Wasiirka wasaaradda, kuwaasoo ku eedeeyay inay ku takrifal awoodeed iyo baal-maris sharci” ayuu ku yiri warqadda is-casilaadda ee uu u diray Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo intaas raaciyay.

“Haddaba markii aan arkay in si joogto ah shaqaale waajibaadoodka gudanaya ay u ceyrisay, si ay ugu bedesho dad aan ku habbooneyn laguna soo xushay dano gaar ah. Kaddib markii ay i soo gaartay cabashooyin joogto ah, oo shirkado iyo qanderaasleyaal bixiya adeegga garoonka Aadan Caddey, oo heysta ruqasado shaqci ah oo soo maray habraaca sharci ee dalka, kuwa wasaaradda u deggan iyo wax ka qabasha la’aanta Ra’isul Wasaaraha dhammaan eedaha kor ku xusan, waxaan go’aansay in maanta laga billaabo aan caddeynayo inaan iska casilay xilkii Wasiir-dowlaha wasaaradda Gaadiid iyo duulista Hawada” ayuu sii raaciyay.

243450cookie-checkWasiiru Dowlihii Wasaarada Duulista & Hawada oo xilkii uu hayay iska Casilay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com