Farmaajo & Fahad Oo Koox Dhalinyaro ah Ka Abaabulaaya Gobolka Mudug

Somalia news

Warbixino loo qaateen ah ayaa muujinaaya in Farmaajo iyo Fahad xiliyadii ugu dambeeyay ka abaabulayeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo qorista Dhalinyaro ka soo jeeda Qaarkood kuwaasoo aad u taageersan siyaasadaha Villa Somalia, iyadoo Tababaro kooban Ee isticmaalka Hubka looga diray Guryo ku yaal Magaalada….

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.con news u sheegtay in Abaabulka Dhalinyaradaan ay ku Howlgab yihiin Taliska Qeybta 21-aad iyo Laanta Hay’adda NISA ee Magaalada Gaalkacyo, waxeyna wada qorista dhalinyaro loo tababarayo fulinta dilalka qorsheysan, kuwaasoo loo balanqaaday in loo qaadi doono Dalka Eritrea.

Ololaha qorista Dhalinyaradaan ayaa si qarsoodi looga wadaa Magaalada waxeyna ka kooban yihiin 100 dhalinyaro ah, iyadoo 75 kamid ah laga qorayaa Waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland, halka 25 kamid ah laga qorayo Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, Abaabulkaan howshaan Waxaa Mas’uul ka ah Nin lagu magacaabo Cumar Jaamac Cabdi, kaas oo degan Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qaar kamid ah Waalidiinta dhalinyarada la qoray, oo lasoo xariiray Idilnews ayaa sheegay in aysan sifo sharci-darro iyo marin habaabin ah loo kexeystay Carruurtooda, waxaana ay xuseen in ay ka xun yihiin dhaqanka Soomaalida ku cusub ee ay la timid Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo oo muddo-xileedkeedu dhamaaday.

104140cookie-checkFarmaajo & Fahad Oo Koox Dhalinyaro ah Ka Abaabulaaya Gobolka Mudug