Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Teendhada Afisioni

Somalia news

Kulanka wada tashiga Xalinta Khilaafka Doorashada ayaa maalintii 2-aad soo dhamaaday, waxaana looga dooday Ajandayaal ay mid tahay Arrimaha Xildhibaanada Waqooyiga, Ciidamada Gedo iyo Amniga Doorashada iyo sida laga yeelaayo Taliyayaasha Ciidamada Xiligaan Hogaanka haya kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku milmeen Arrimaha Siyaasada iyo u adeegida Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Muwduuca si horudhac ah lagu falanqeeyey arrimaha 5-ta Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, (Lugta), Boliiska Asluubta iyo NISA, kuwaasoo lagu eedeeyay iney u adeegaan Villa Somalia, isla markaasna aan lagu aamini karin iney maamulaan Amaanka Doorashada.

Wasiirka 1-aad Mr.Rooble ayaa Madaxda Dowlad Goboleedyada ku booriyay heshiis rasmi ah laga gaaro Khilaafka Doorashada, Iyadoo rajo laga muujiyay in isbedel lagu sameeyo dhamaan Taliyayaasha Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in Kulanka looga dooday Arrimaha Xildhibaanada Somaliland, waxaana la sheegay in Mr.Qorqor Villa Somalia u wakiilatay inuu shaki geliyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Mr.Cabdi Xaashi, wuxuuna sheegay in Mr.Mahdi Guuleed loo daayo inuu qeybiyo Xildhibaanada Reer Waqooyiga, iyadoo dood dheer kadib la isla go’aamiyay in 24-saac la siiyo labada garab iney keenaan xal ay heshiis ku yihiin, hadii kale go’aano laga gaari doono.

120460cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Teendhada Afisioni