UK Oo Tababarayaal U Soo Direysa Somalia

Somalia news

UK ayaa waxey qorsheyneysaa iney Dalka Somalia u soo dirto Tababarayaal tiradoodu lagu qiyaasay 250 Askari, (Ciidamada Khaaska ah) si ay u leyliyaan Ciidamada Danab, talaabadaan ayaa qorshu yahay in la qaado 12-ka bilood ee fooda nagu soo heysa sida lagu qoray Wargeyska Daily Express…

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa kadib markii bilo ka hor la asaasay Guutada Howlgalka gaarka ah, iyadoo Taliyihii Hore Ee Ciidamada SAS UK Gen. Sir.Mark Carleton-Smith oo madax ka ah Ciidamada “Rangers Regiment”, kuwaasoo lagu wado in loo qaado Dalka Somalia si ay u buuxiyaan booskii ay baneeyeen Ciidamada Mareykanka oo gacanta ku haya Ciidamada Guutada Danab.

https://www.express.co.uk/news/politics/1439988/somalia-news-al-shabab-terrorism-british-army-latest-army-ranger-regiment

Gen.Smith ayaa sheegay “ Waxaan rabaa in aan arko, iyadoo Ciidamada gaarka ah loo daadgureeyo Bariga Africa, si ay u caawiyaan Saaxibadeena Gobolka Bariga Africa”, Qoraal uu soo dhigay Wargeyska Daily Express, Qorshahaan ayaa la sheegay in Ciidamada UK lagu geyn Aston Somalia looga dhawaaqi doono Kulanka Shir-madaxeedka G-7 oo lagu qaban doono bisha dambe Jasiirada Cornwall.

Ciidamada UK ayaa la sheegay iney Fariisinka ugu weyn ku leeyihiin Magaalada Mogadishu inkastoo ay tiro Ciidamo Tababarayaal ah ay ka joogaan Magaalada Baydhabo, halkasoo ay ka caawiyaan Ciidamada Dowlad goboleedka Konfur Galbeed sidii ay isaga difaaci lahaayeen Kooxda argagixisada Shababka oo dhibaato ku Hayaan Amaanka goboladaasi.

120410cookie-checkUK Oo Tababarayaal U Soo Direysa Somalia