Villa Somalia Oo Amaro Laga Soo Saaray

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya amaro ay soo saareen Maamulka Villa Somalia, kuwaasoo lagu joojinaayo dhamaan gaadiidka Xildhibaanada Baarlamaanka ee muddo xileedkoodu dhamaaday, iyagoo Gaadiidkooda la tagi jireen gudaha Madaxtooyada gaar ahaan xaruntooda Villa Hargeysa…

Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa lagu wargeliyay in gaadiidka ay dhigtaan ka horjeedka xarunta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka kuna dhow xarunta Ururka Boliiska Dableyda ee xeyndaabka Madaxtooyada.

Talaabadaan ayaa la aaminsan yahay inay xiriir la leedahay go’aan maalmo ka hor lagu joojiyay kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo looga hadli lahaa Cabaahada Hooyooyinka ay Caruurtooda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo u adeegsaday Dagaalka Ethiopia.

Dhanka kale. Mr.Farmaajo ayaa joojiyay dhamaan Kaararka loo yaqaano (VIP), Ee la siin jiray Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta taageersan, Ganacsatada, Wariyayaasha Iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasoo ku geli jiray gudaha Madaxtooyada Villa Somalia iyo Isticmaalka (Isbaarooyinka) Wadooyinka Magaalada Mogadishu.

89770cookie-checkVilla Somalia Oo Amaro Laga Soo Saaray