Wargeyska Ka Soo Baxa Kenya Oo Maqaal Ka Diyaariyay

Politics

Iyadoo uu socdo ololaha warbaahinta Kenya ee ka dhanka ah Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa qaar ka mida Wargeysyada Kenya waxay weerar toos ah ku qaadeen Madaxa NISA Fahad Yaasiin iyo Maamulka Qatar.

Qormo dheer oo maanta lagu daabacay Wargeyska ‘The-star” ayaa cinwaan looga dhigay; “Xiriirka dhow ee Dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya Alshabaab iyo halista amniga Gobolka” ayuu wargeysku ku dooday in Alshabaab ay dhex galeen dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada ilaa ay iyagu soo xulaan, soona magacaabaan xildhibaannada.

Wargeyska oo difaacaya qoraal hore oo ay si weyn u beenisay dowladda Federaalka markii uu shaaciyey dokumentiyo la been abuuray oo ku saabsan xiirir ka dhaxeeya madaxda NISA iyo Alshabaab oo lagu sheegay in lacag 1.8 Milyan oo doolar ah ay NISA ku siisay Alsahbaab si ay weerarro ugu qaado gudaha Kenya, ayuu haddana faahfaahin ka bixinayaa sida Alshabaab ugu milantay maamulka dowladda iyo cashuurta ay ka qaado Muqdisho.

Agaasimaha NISA iyo Sarkaal ka tirsan NISA C/llaahi Kulane ayuu Wargeysku diiradda saaray isagoo sheegaya inay xiriir toos ah la leeyihiin Alshabaab, isla markaana ay doonayaan in xukun Khilaafo islaami ah laga dhiso Soomaaliya.

Warkan oo la filayo inuu qeyb ka yahay olole warbaahinta Kenya wado, lana filayo in wargeysyo kale sii faafiyaan ayaa Agaasimaha NISA ku eedeynaya inuu dagaalyahan ahaan loogu soo tababaray dalalka Afghanistan iyo Pakisan isagoo la tababartay Sheekh Xasan Daahir iyo Axmed Godane, arrintan oo ah mid xaqiiqada ka fog.

Wuxuu kaloo Wargeyska ‘The-star”ku doodayaa in Fahad Yaasiin oo dhaqaale ka helaya dalka Qatar uu dhisay xubno Alshabaab ah oo NISA lagu soo daray, ayna dowladda Qatar dooneyso inay Soomaaliya ka dhisto maamul u daacad ah iyada oo ka horjeeda Imaaraadka iyo Turkiga, una adeegsado hantida dalka Qatar inuu ku curyaamiyo dowladda Soomaaliya.

Wargeyskan oo soo xiganaya ilo Amni oo aanu sheegin ayaa qoraalkiisa kusoo xiray in Fahad Yaasiin oo awood iyo saameyn ku leh madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, gacanna ka helaya dalka Qatar inuu waqti uun naga xigo xilliga uu gaari lahaa ujeedkiisa weyn ee ah in Soomaaliya laga dhiso dowlad Khilaafo islaami ah.

31470cookie-checkWargeyska Ka Soo Baxa Kenya Oo Maqaal Ka Diyaariyay