Wariye Loo Xiray Wareysi Uu Ka Qaaday Xuud

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne Ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wariye Cabdulqaadir Faarax Dulyar ay xabsiga dhigeen Saraakiisha Amaanka Ee Magaalada, kadib markii uu wareysi ka qaaday Horjooge Xuud oo Maleeshiyaad ku heysta Duleedka Magaalada…

Wararka hordhaca ah Ayaa sheegay in Wariye Dulyar laga qabtay Hoteelka uu ka degan yahay Magaalada Beledweyne, isagoo labadii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa, wuxuuna wareysi kaga soo qaaday Mr.Abuukar Xuud oo hogaamiya Jabhad la magac baxday Xoreynta Gobolka Hiiraan.

Mr.Xuud ayaa qeybo ka mid ah wereysigaasi ku sheegay inuu qurbaha uga yimid inuu badbaadiyo nololsha dadka reer Hiiraan oo uu sheegay inay talada u hayaan dad uu ku tilmaamay ‘dhiig miirato.’

Wariyaasha ka howlgala magaalada Baladweyne oo dadaalo ku bixiyay sii deynta Wariyaha ayaa ku guul dareestay, waxaana Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageel iyo saraakiisha booliiska sheegeen in arinta Wariyaha xiran beri laga wada hadli doono.

Maamulka Hirshabelle uu hormuudka ka yahay Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi ayaa caburin xoogan ku haya Warbaahinta ka howlagasha magaaladaasi, waxa ay sidoo kale caburin ku hayaan dadka kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle.

81050cookie-checkWariye Loo Xiray Wareysi Uu Ka Qaaday Xuud