Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulanka Ka Socda Garoonka Diyaaradaha

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa Kulankii ka socday Hoteelka Decale Ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Mogadishu, wuxuuna Mr.Rooble uu soo jeediyay in dalabyada Musharaxiinta ee 3-da Qodob ka kooban laba waan fulin halna iiga tanaasula….

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dowladda Xil-gaarsiinta ay diyaar u tahay iney raali gelin ka bixiso Weerarkii 19-bishaan lagu qaaday Hoteelka Maa’ida isla markaasna dadki wax gaareen ay mag dhow diyaar ula tahay.

Sidoo kale Arrinta Kulamada xal u helida Doorashada Mucaaradka iney qayb ka noqdaan iyadana dib Ayaan la-tashi ugula noqonayaa Go’aankaasi ma gaari karo.

Halka Shuruuda ee ah qabashada Mudahaaraadka Beri wuxuu soo jeediyay in la baajiyo Maamulkana ay ogolyahay in la qabto wixii ka dambeeyay marka heshiis la gaaro, Kooxdaan balan ma galaan wakhti lumis ayeey wadaan.

97930cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Ee Kulanka Ka Socda Garoonka Diyaaradaha