Cabdi Xaashi Iyo Axmed Madoobe Oo Garoowe Lagu Soo Dhoweeyay

Somalia news

Waxaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe iyo xubno kala socda, kuwaasoo ka qeyb geli doona Aaska Marxuumiinta Xasan Abshir iyo Maxamee Cabdi…

Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye Ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Weftiga Guddomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta ka qayb gelaya Aaska Qaran ee loo samaynaayo Madaxweynihii hore ee maamulka  Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Dhanka kale, Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadda Garoowe kusoo dhoweeyey wefti ay kala hogaaminayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Galmudug  oo ka qayb-gelidoona Aaska Qaran ee Madaxweynihii hore ee Puntland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

48090cookie-checkCabdi Xaashi Iyo Axmed Madoobe Oo Garoowe Lagu Soo Dhoweeyay