Wasiir Ethiopian ah Oo Eedo Culus U Jeediyay Safaarada USA

Africa News

Wasiir ka tirsan Maamulka Abiy ee Ethiopia ayaa Eedo culus u jeediyay Saraakiisha Safaarada Mareykanka ee Ethiopia, isagoo ku tilmaamay “iney yihiin Argagixiso” ugu a baaqay iney ka baxaan Dalka, Hadalkaan ayaa muran siyaasadeed cusub ka dhex abuuray Maamulka Washington iyo kan Addis…

Mr.Taye Dandea Aredo oo ka tirsan Xukuumada Ethiopia qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu Ku sheegay in Saraakiisha Safaarada USA ee Addis Abeba ay hurinayaan Colaada ka socota Waqooyiga Dalka, Waxeyna dhiiri gelinayaan Kooxaha argagixisada ayuu sheegay Mr.Taye.

“Waxaan Qoraalkaan qoraayaa Anigoo Muwaadin ah Ee ma aha Wasiiru Dowlaha Ethiopia, Safaarada Mareykanka ayaa soo bandhigtay macluumaad been abuur ah Afar jeer 5-Maalmood gudahood, ujeedaduna Waa carqaladeynta Dhaqaalaha, iyo Amniga Dalka, Iyagoo isku dayay iney Xanibto dhaqadhaqaaqa Ganacsi Ee socda iyagoo abuuraaya cabsi been abuur ah.

Khasaare weyn ayaa ka dhashay Hadalka la xiriira in falal argagixiso ay ka dhacaayaan Ethiopia, Hadaba, Safaaradu waxey si aan gambasho laheyn u muujisay iney iyadu tahay argagixiso, waxaan filaayay iney Diblomaasiyadu leedahay Xad iyo hab-maamuus u gaar ah, “ Safaarada Mareykanka Si naxariis leh ha uga baxdo Ethiopia iyo Tartiib tartiib ah Guud ahaan Africa.

153510cookie-checkWasiir Ethiopian ah Oo Eedo Culus U Jeediyay Safaarada USA