Wasiir Lagu Dhibaateeyay Garoonka Diyaaradaha…

Politics

Maamulka Villa Somalia ayaa todobaadkii la soo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku xayiray Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Jubaland Maxamed Xasan Maxamed.,,

Wasiirka oo damacsanaa inuu u baxo dalka dibadiisa ayaa laga reebay diyaaradii uu la socday, waxaana kadib laga qaatay baasaboorka Diblomaasiga iyadoo intaas kadib diyaarad kale loo saaray Kismaayo.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in falkaan ay kula kaceen koox ka tirsan kuwa ammaanka (NISA) islamarkaana ay u sheegeen in ay tahay amar la siiyay.

Wasiirka ayaa “dhibaatooyin loo geestay ka hor inta aan lagu celin Kismaayo” sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jubaland.

Wasiirka Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Khalinle ayaa maalmo ka hor shaaciyay inuu joojiyay wadashaqeyntii wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, islamarkaana uusan ka qeyb galeyn shirka deyn-cafinta dowladda iyo dowlad goboleedyada.

21020cookie-checkWasiir Lagu Dhibaateeyay Garoonka Diyaaradaha…