USA Iyo Warbaahinta Dowlada Oo Sheegtay Dilka Horjooge..

U.S.

Taliska AFRICOM ayaa Ka Hadlay dilka Horjooge sare oo ka tirsan Hogaanka Shabaabka, kaasoo la sheegay in lagu dilay 22-kii Bishii tagtay ee February, degaan hoos taga degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe…

Afhayeenka AFRICOM ayaa sheegay iney rumeysan yihiin iney khaarijiyeen Horjooge Bashiir Maxamed Maxamuud (Qoorgaab), oo lagu tilmaamo inuu ilaa 4-xil ka hayay qeybaha Shabaabka, isagoo ahaa Abaandulaha Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka, Madaxa dejinta Howlgalada Kenya, wuxuu xubin muhiim ah ka ahaa Golaha Fulinta Ururka, isagoo u xil saarnaa dejinta kaartooyinka weerarada iyo qaraxyada ay ka geystaan Xeryaha iyo Xarumaha Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda.

Horjooge Qoorgaab oo ay Dhowaan faafiyeen Hogaanka NISA in laga eryay Kooxda Shabaabka isaga iyo Mahad Karatee oo Kuxigeenka 1-aad ee Ururka ahaa, ayaa khibiirada Arrimaha argagixisada u dhuun daloola ku tilmaameen Warbixinta NISA mid lagu marin havaabinaayo Shacbiga Soomaaliyeed, maxaa yeelay Waxaa loo soo gudbiyay Macluumaad aan aad loo dhiixin dhab ahaanshaha wararkaasi.

Sikastaba Ha ahaatee Horjoogahaan oo Ay Mareykanka Madaxii San dul dhigeen 5-million US$ ah, iyadoo loo balanqaaday qofkii soo gudbiya xogo iyo Macluumaad lagu qaban karo ama lagu dili karo, Horjooge Qoorgaab ayaa la sheegay in la la dilay Xaaskiisa

20990cookie-checkUSA Iyo Warbaahinta Dowlada Oo Sheegtay Dilka Horjooge..