Wasiirka 1-aad:- Ciidamadii aan ugu Talo Galnay Dagaalka Shababka Waxey kala Ilaaliyaan Beelaha…

Somalia news

Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka Mr.Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Maleeshiyaadka kooxda Shababka ay bilowday inay colaad ka dhex abuurto Qaba’ilada ku nool dhulkii ay Ciidamada dowladdu xoreeyeen, talaabadaadina ay sahashay inuu gaabis ku yimaado Howlgalka…

Wasiirka 1-aad ayaa sheegay in Ciidamadii Dowladdu ugu talo gashay dagaalka Kooxda Argagixisada shababka in loo diray si ay u kala dhex galaan Qabaa’ilada dagaalamaya, waxay kaliftay inay qabaa’ilada kala ilaaliyaan. Waxaan ognahay inay Shabaabku ka shaqeynayaan colaaddaasi, isagoo intaasi raaciyay in in Dadka Soomaaliyeed ay cabsadaan oo ay baad siiyaan kooxda Shabaabka.

Mr.Xamse ayaa eeddaasi dusha ka saaray Saraakisha Dowladda, isagoo sheegay in looga baahan yahay inay sugto amniga dadka si aanay Shabaab uga cabsan, Waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka Alshabaab, isagoo sheegay in ciidamada dowladda aanay kaligood ku filnayn inay soo afjaraan dagaalka lagula jiro Shabaabka, wuxuu ugu baaqay Shacabka iney ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro kooxdaan.

329710cookie-checkWasiirka 1-aad:- Ciidamadii aan ugu Talo Galnay Dagaalka Shababka Waxey kala Ilaaliyaan Beelaha…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *