Silsilada Taarikheed & Dhibaatada Degmada Laascaano Oo soo tixneyd ilaa 2007-dii

Somalia news

Dhibaatada Degmada Laascaanood ka aloosan waxaa sababay maamul aan la isku raacsanayn oo magaalada muruq ka arrimiya, Sanadkii 2007dii ayuuna maamulka Somaliland qabsaday Magaalada, iyadoo Horgalayaal degaanka ah ay fududeeyeen qabsashada degmada waxay la tartami wayday kooxo hore Somaliland ula sii shaqaynaysay oo maleeshiyo u diyaarsan haysatay…

Maleeshiyadyada Degaanka

Maleeshiyaadkaan ugu sumcada xun waxaa horgale u ah Mahad Cambaashe oo degaanka ka soo jeeda heysatana Maleeshiyo Jufeed & Gaadiid dagaal, iyadoo bishii la sheegay in Maamulka Muuse Biixi ku bixiyaan biilkooda ilaa 80-kun US$ ah, halka Maleeshiyaad kale u kala daacad u ah Horgalayaasha Saleeban Cali Koore & Cabdulqaadir Indho-indho ay iyaguna Maleeshiyaad ku heystaan degaanada Xudun iyo Taleex.

Maadaama hub ka dhigis rasmi ah laga fulin Gobolka Sool maleeshiyaadka (demobilisation) maamulka Somaliland wuxuu si uun u maareynayay danaha laba maleeshiyo oo kala awood-batay, Marnaba meesha kama bixin su’aasha: Yaa siyaasad ahaan metela Laascaanood?

Somaliland waxay lugta la soo gashay gobol siyaasiyiintiisu uu ka dhex socdo loollan siyaasadeed oo mararka qaarkood dagaalo sababay, ku darsoo waxaa sameyntooda ka marneyn Puntland, Taariikhdan siyaasadeed ku saabsan gobolka laga billaabo 1998kii ma aha mid siyaasiyiintu jecel yihiin in dib loo eego si loo fahmo dhibaatada taagan.

Maamulada Somaliland & Puntland oo ku tiirsan maleeshiyo gaar ah ma noqon karo mid sharciyad uu wax ku maamulo haysta, Weliba Laascanoood waxay kaga sii daran tahay Muqdisho waa in dad Soomaaliyeed 2021-kii si qasab ah looga barakiciyay inkastoo Somalia weli hal dal tahay sharci ahaan.

234700cookie-checkSilsilada Taarikheed & Dhibaatada Degmada Laascaano Oo soo tixneyd ilaa 2007-dii
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com