Karaash & Dhabancad oo isku qabtay Shir ka dhacayay Garoowe & fashilka ka Dhashay

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shirweynaha Dowladdaha hoose ee Puntland oo shalay ka furmi lahaa Xarunta Puntland ee Garoowe kaasoo fashilmay, kadib markii ay hadalo kulul isku dhaafsadeen hoolka Shirka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad…

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Madaxweyne kuxigeenka Puntland uu amray Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha inuu shir gudoomiyo Kulanka, Halka Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland iney shaqadiisu tahay inuu Shir Gudoomiyo Kulanka oo Mashruuca JLPG ee arrimaha Gudaha hoos yimaada.

Maxaa Dhacay Kadib:-

Hoolka Shirka ka socday waxaa si kedis ah ku yimid Madaxweyne kuxigeenka Mr.Karaash wuxuuna amray in Wasiirka Arrimaha Gudaha Mr.Dhabanacad uu ka baxo Hoolka, Kulankaan ayaa looga hadlaayay, maamul-daadajinta, talabadaasi oo sababtay buuq iyo jahwareer ka dhashay shirka, iyadoo markii Wasiirku uu baxay ay ka daba-baxeen qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka Puntland.

Axmed Karaash ayaa bishii April xilalka ka qaaday Wasiirada Maaliyadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga, oo kamid ah saaxiibada dhow ee Madaxweynaha, xilli Siciid Deni uu ku sugnaa Muqdisho oo uu joogay tartanka doorashada Villa Somalia, waxaana tallaabada ay sababtay khilaaf weyn oo ilaa hadda ka dhex taagan Karaash iyo Deni, kaas oo saameyn ku yeeshay shaqooyinkii Dowladda.

196140cookie-checkKaraash & Dhabancad oo isku qabtay Shir ka dhacayay Garoowe & fashilka ka Dhashay