Ma Dhabaa in Xil loo Magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan & Halka ay tahay..

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe uu muddo waday Madaxweynaha kaasoo uu doonaayay sidii uu xil nooc cusub u gu magacaabi lahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, kaasoo muddo dhowr bilood Mucaarad ku ahaa Maamulka…

Xogta ayaa tilmaamtay in Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxtooyada loogu magacaabay Cali Jeyte inuu noqdo U Qeybsanaha Xafiiska Madaxweyne ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Konfurta iyo Bartamaha Somalia, lama yaqaano inuu ka tanaasuli doono Xilka uu iskiis isku caleemo saaray.

Horey ayuu Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan muddo ka dhex waday Waan waan iyo isku soo dhoweyn Madaxweynaha iyo Cali Jeyte isagoo ku guuleystay inuu markii dambe suurto galiyey inay labada Mas’uul yeeshaan wadahadal toos ah yeeshaan.

Xilkan ayaa ah mid aan hore u jirin wuxuuna Cali Jeyte ka mid noqonayaa la-taliyeyaasha Madaxweynaha ee faraha badan, iyadoo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay xil ka qaadistiisa, iyadoo uu Cali Jeyte horey u diiday xil ka qaadistii Madaxweynaha Hirshabeelle ku sameeyay, wuxuuna ku dhawaaqay dhismaha Maamul la baxay Hiiran State.

284830cookie-checkMa Dhabaa in Xil loo Magacaabay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan & Halka ay tahay..